UDUGII IDLAAN WAAYAY



UDUGII IDLAAN WAAYAY





Farsamo yaqaan farsamadii ku shaqeysta ayaa maalin waxa uu soo maray xaafad asigoo ku guda jira howlihiisii shaqo; gabar gurigeedii hortiisa taagnayd ayaa shaqo ugu yeertay “Oo kaalay alaab baad ii farsameyni e”.

Dabadeed ninkii waxa uu aaday ilinkii ay gabadhu taagneyd waxa ayna bilooowday in ay gudaha sii geliso ninkii marka uu gurigiii soo galay ujeedkiisiina ahaa in uu allab u farsameeyo gabadha ayeey xaajadu is bedeshay waxa uuna ogaaday in danta gabdha ay ka culus tahay alaab sameyn oo ay wax kale damacsantahay.

Waxa ay usheegtay in ay nafsadiisa dooneyso oo ay rabto in uu waajibkii kasoo baxo
durba waxa ay kutiri “ninkoow soo soco haddii kale deriskaan u qeylo dhaamin, gurigeygana waad ku jirtaa hayaay! “. Labadaa mid dooro ayeey nafis uga dhigtay miskiinkii arsaaqad doonka ahaa .

Ninkii aad bey ugu adkaatay arintu waxa uu ahaa nin dhowrsoon oo qalbigiisa alle ka cabsi badan ku jiro waxaa u cuntami weysay in uu sino dabadeed wax kasta imaan kara uu ku dhaco. Tallaa ku lamoowday xaajana ku cuslaatay ;

Jawigan cakiran marka uu arkay xaiiqsadana in xaalku sahal ahayn imtixaan kadis ah oo dhanka eebe ka ahaadayna lagdin ku hayo ayaa mar kali ah waxaa waxaa niyadiisa ku soo dhacay doorasho sedexaad oo uu xal iyo xeelad u arkay maleeyayna in uu kaga fagsan karo mushkiladan manta soo wajahday.

Waxa uu ka codsaday gabdhii in ay siiso fursad uu suuliga ku galo si uu u soo meerto oo uu isu diyaariyo.
Durba wey ka ogolaatay waxaa xigay in ninkii uu ka dhabeeyo goaankiisii uu doonayay in uu isu badbaadiyo ; wixi saxara suuligii dhex yiil ayuu isa soo mariyay tin ilaa cirib meelina ma uu dhaafin.

Asigooo xaaladaa shakiga leh ku sugan ayuu gabadhi usoo baxay una sheegay in uu imika diyaaryahay
-war maa meesha ka nool hee- dhakafaar ayaa ka soo haray gabadhii damaca waalnaa waday dib bey isugu noqotay guriga ayeeyna horay dalaq u sii tiray asigana waa u dan iyo siduu doonaye irida ayuu fakatax ka soo yiri.

Waa amakaag gabadha ku yimi dhabar jabna ku noqday rabitaankeedii nafsadeeyd isla markaana badalay dareenkeedii shahwo, waase goaan u suura galay miskiinkii dar allada ahaa. waa u guul isagu oo waxa uu xeelad kaga soo baxsaday fidna si kedis ah u soo warsatay.

Asigoo sidii uu musqusha kaga soo baxay u dhaashan ayuu gurigiisi neef tuur la soo galay waxa uuna gudagalay in uu kameerto bulaacadi uu xalka mooday ee uu dusha ku sitay taa oo ilaa uuu gurigii ka yimaado dul saarnayd.

Meerashaqii kadib waxa uu jirkiisii isu badalay mid udgoon , udug ka carfoon kan barafuunada iyo catarada, waxa uu ilaahay ku abaal mariyay adoonkiisaas ka dhowrsaday macsida asigoo ka cabsanaya ciqaabtiisa dartiina u sameeyay arinkaa geesinimada leh wanaag iyo astaan raagta.

Waxa uu alle urkii qurmoonaa ugu bedalay caraf aan dhamaan waxa uuna lanoolaa udug macaan oo aan marnaba doorsoomin.

Waana abaal marinta falka wanaagsan ee uu sameeyay……….;
________________________________________________________________
Abdirazak Hassan.


Comments

Popular posts from this blog

NAXARIISTA HOOYO