NAXARIISTA HOOYO
NAXARIISTA HOOYO
Sheekadaan waxa ay ku saabsantahay naxariista hooyo, run ahaanshaha qisada muhiim nooma aha lkn dulucda sheekada ayaa na anfaceysa.
Waa waraabe marka uu qoryihiin ka quustay ayuu duurkiisii isaga laabtay ileen sidaa reerka kuma soo dhex geli karee, hooyadii ayaa tawday marki ay dhowr habeyn arki weyday ayey goaansatay in ay raadiso waxa ayna soo abaartay keynta ay ku ogeeed. Durba waxa ay dultimid isaga oo hurda suuradiisuna waraabe tahay, cajiib waa waalid beer jilcane wey isku kor tuurtay iyada oo ku dul ooyeeysa.
Waaxa kacay wiil-waraabihii asigoo hooyadii ku dul ooyi, waraabese ammaan ma galee meeshii ayuu ku cunay hooyadii dabadeedna iska jiifsaday waxa uu hilbihii hooyadiisa ka reebay beerka oo uu lahaa unaso dib baad ka cuniye, maamada walaakeed oo daba socday kana shakisanaa waa hooyee in ay ku boodo wiilkeediii waraaboobay marka ay aragto, ka dibna uu cuno hubkiisana ku tooxnaa ayaa keyntii soo jibaaxay.
Nasiib darase abtigii waxa uu dul yimid waraabe-dadoowgii uu abtiga u ahaa oo goor hore jajabsaday lafahii walaashii beerkeediina u nasanaya durba falaaruu qabadsiiyay waxaase cajiib ahayd marki ay inankii waraabaha ahaa falaarti ku dhacday ayaa waxaa damqaday oo dubaaxay korna u booday beerkii hooyo ee dhulka yaalay Cajiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiib.
Waxaa falaarti u celin waayay abtigii asigoo ka cabsaday in walaashii ay habaarto maadaama uu beerkeedii u adkeesan waayay falaarti wiilkeedii ku dhacday lana dubaaxiyay. Waxaa damqaday beer la cunay una damqaday mid cunay.
FG: ma xasuusta qofka iiga sheekeeyay sheekadan.
_____________________________________________________________________________
Abdirazak Hassan.
_____________________________________________________________________________
Abdirazak Hassan.
Comments
Post a Comment