ISMOODSIISKII MAALMEED


Hillaaca nuurka waa mid indhahaaga soo jiidanaya; jooga iyo dhirirkana qurux baa u dheer. Dhiig-furnaan midab casaan ah, hanaan wacan socod dabacsan, waa hareeri iyo magool marka ay kaa soo hormuuqato. Waa hubaal, ishu qabatinteeda in aysan ka libirsanayn ilaa muuqeeda qarsoomo.

Saacadu waa abaarihii afarta subaxnimo. Waxay igu dhaaftay daqiiqad, xilli ay jidka goynaysay iyada iyo gabadh kale oo deriska ah. Isla maalinkii ay gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde ka soo dagtay ayey ahayd. Imika, saacado qura ayey magaalada joogtaa.

Aragtideeda ka dib, waxaan baadhay xogteeda, waxaan ogaaday inay gabadh tahay oo aysan xaas ahayn, safar gaabana qurbaha kaga timid. Waan hubay inay ku soo degtay guri deriska ah oo gabadha ay la socotay ayaan ka gartay.

Dareen iyo damac ayaan ku dhameystay maalinkii oo dhan, anigoo kolba sugayay in aan mar kale arko si aan ugu dhuro oraah iga dhex guuxaysay oo aan saacadba in fikirayay tan iyo aragtideedii saakay. Waxaa la gaaray subaxdii kale. Waa maalintii labaad e, waxay ila noqotay durba inaan la wadaagay sheeko. Waxaan isku fahannay in aan gurigooda ugu tago oo aan isla habeenkii labaad ugu tagay.

Salaanta reerka ka dib, waxaan fariisanay qol irida soo xigay albaabkiisa oo labo kursi ay hore u sii yaaleen. Xoogaa sheeko ah baa na dhex martay. Waxaan hadalkii ku go'aaminay inaan wacno marwada guriga aynu joogno, waa gabadha eedadeed oo xiligaasi safar gaaban ku maqneyd. Si aan uga naxsano arrin aynu dooneynay inaan soo dedejino, kaas oo ah guur degdeg ah, maadaama gabadha xiliga joogitaankeeda uu aad u gaaban yahay.

Shan iyo toban casho oo caawa ay labo ka tahay uun baa fursad isu heysanaa. Ka gadaal, qorshuhu wuxuu yahay in ay dib ugu laabato carrigii ay ka timid.

Habeenkii waxaan ku soo kala tagnay ijaabo iyo is afgarad iyo in arrinka si dhaqsi ah loo dhameeyo. Subaxdii saddexaad, waxaan olole xoog leh u galnay gabagabeynta howsha iyo inaan isla caawa meherkii dhameyno.

Laba iyo toban cisho kaliya ayaa inoo harsan, marka laga reebo caawa oo aan dooneyno inaan meherkii ka dhigno. Dhowr wadaado ayaa inoo balansan, laba neef oo ari ahna galabta ayaan soo xirnay. Ujeedkeena caawa waa ijaabo iyo abshir. Anigu waxaan ka fikirayaa halka aan laba iyo tobankan casho - waa toddobadii caanka ahayd oo aan shan ku darsanay innaga e - ku dhameysan lahayn iyo hooyga aynu degi laheyn aniga iyo lamaanteyda.

Imika laba iyo toban baan galeynaa halka caruuska iyo caruusadda sida caadiga ah ay toddoba ka galaan, weliba waxaad moodaa in ay nagu yartahay, maadaama safar ina hayo. Aabahey iyo abtigey ayaa howsha wada. Laba qol oo aan aad nooga fogeyn ayuu qorshahaheygu yahay inaan ku aqal galno aniga iyo xabiibteyda xiisaha isu qaba.

Labada qol ee apartment-ga ah waxay u ijaaranyihiin yar aan ilma adeer nahay. Nasiib wanaagse, isaga iyo xaaskiisaba wey ka maqanyihiin guriga oo waa firaaqo. Waa aqal aad u habaysan; dhammaan wixii guri looga baahnaana dhexyaalaan. Alaabta dhex taalaa waa wada cusub oo mardhow ayaa la qalabeeyay. Imika uma baahanayo inaan sariiro soo iibiyo; dhammaan waa diyaar. Qolka furuhiisa marka horeba igama fogeyn, haatan howshu waa dhag.

Macaawis aan maanta soo iibsaday iyo shaar aan la soo iibiyay ayaa ii xiran. Kabo yar oo sandal ah oo anigoo dhex taagan ayaan hore carwadda saaxiibkey, inta quruxdooda la cajabay, aan ka soo qaatayna waan ku joogaa. Waxaan salaadda marqib ku tukaday masjidka xaafadda. Aabo iyo abti ayaa ila socda; waxaan ka wada hadleynaa xaqii culimada iyo inaan durba isu diyaarino. Meherka gabadha waxay iigu sheegtay inuu yahay konton garaam oo dahab ah.

Ma ila badna, oo xiisaha aan inanta u qabo ayaa ka daran. Aad baan u caaboonahay, waana faraxsanahay. Waa dareenkii nin darmaantii uu jeclaa lagu mehrinayo caawa. Malaha waa jacayl xawaare sareeyo. Ma saddex maalmood gudahood baa wax lagu jeclaadaa? Mooji, malaha waa suuragal, waliba ka yar. Qubarada cilmu-nafsigu waxay sheegaan in sodon daqiiqo gudahood ku abuurmi karo. Waase yelkadoode, anigu aad baan kaga helay gabadha. Xiisaha dhankeygana lama soo koobi karo; iyaduna waa ila mid haddii aysan iga darneyn. Kolayn waa dad is rabee daa.

Si dagan oo diiran ayuu habeenkii inoogu dhamaaday, iyo hawlihiisii oo ugu weynaa meherka dhacay. Waxaan aqal gali doonaa habeenka afaraad oo aan hadda subaxdiisa taaganahay. Farxad baan la soo toosay saakay, waxaana isku diyaarinayaa aqal galkeena caawa. Isla durbadii aan soo kacay, waxaan wacay caruusadeydii, indha kuusheydii - Waa gabadha aan caawa aqal gali rabno; waa midi xalay la iigu mehriyay -  Anigoo ugu hambalyeeyay nolosheena cusub. Imika, wey noo bilaabatay. Caaweyse dhaboobi, aad baan kaga helaa qosolkeeda, muuso yar bey ku dartaa marka ay muujineyso raali ahaansho. Show daymadeeda qooraansigana waa mid dareen leh. Agah! Igu haboona!!

Waxba yuu damaca ila fogaane, waan heystaa imika; saakaba waa marwadeyda. Xalaal baan isu nahay; hadduu wadku nakala dilina weynu isu tagi caawa.

Xoogaa sharaxaad yar baan suuqa ka doonay aniga iyo gabar ila dhashay. Caawa ayaan dooneynaa inaan guri gal ka dhigno. Waa ubaxyo yaryar, toortooyin iyo xoogaa alaab kaloo muhiim ah. Safarkeena suuqa waxaa nagu wehliya saaxiibkey oo aan gaarigiisa saaranahay.

Mashxarad, allalaas, isku soo bax iyo howl tiro badan qorshuhu nooguma jiro. Go'aankeena wuxuu yahay aqal galid aan shaacsaneyn. Waqtiga oo aad inoogu yar ayaana sabab u ah howl fududeynta aan ku dhaqaaqnay.

Xalwad iyo xoogaa kaloo macmacaan ah ayaa guriga hore ugu sii diyaarinay oo aan ugu talagalnay inaan ku af-maceysano innaga iyo dadka na wehliya. Waa yarka aan saaxiibada nahay, gabadh ay qaraabo iyo saaxiibo yihiin caruusadeyda iyo labo gabdhood oo iladhashay oo guriga nagu sii sugayay. Qabanqaabo xooggan iyo guluf xaafadda laga wada dareemo ma aysan jirin, marka laga reebo soo noqnoqoshada tira badan iyo allaabo yaryar oo aan marba dhinac u wadanay labada guri dhexdooda...

La soco qeybta 2 aad

Comments

Popular posts from this blog

NAXARIISTA HOOYO