SHANTA CEYN EE NOLASHA DHAMEYSTIRA
(The five Cs of perfect life)
CIBAADO
Salaadaha 5-ta ah iyo rawaatibka (12 -ka rakco ee lala tukado saalaadaha waajib-ka ah sida : labada rakac ee salaada subax ka horeyso, afarta duhurka ka horeyso iyo laba ka gadaaleyso, laba maqrib dabadii la tukado iyo laba cishaha ka dib ah) oo waqtigooda aad ku ilaaliso/ tukato.
Quran aqris joogto ah (ugu yaraan maalinkii Jus) ama Juz maalin kasta ah iyo suuratul Baqara oo aad maalinkaaga ku bilaawato.
Digri/ wardi maalinle ah, sida :- Adkaarta subax iyo tan galab (Adkaaru Sabaax wal Masaa). Baaqiyaatu saalixaadka – Tasbiixda(Subxaanallaah), Taxmiidka(Al-xamdullillaah), Tahliisha(لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ), Takbiirta(Allaahu Akbar). Xowqalada(Laa xowla walaa quwata ilaa bilaahi) oo aad tiro mucayin ah ka aqriso iyo saliga Nabiga NNKH (اللهم صلى على محمد) oo asigana fadli gaar ah leh.
Salaatu leyl witri leh (tiro is dheer sida 1, 3, 5 iwm) – waxaad u tukan kartaa laba laba rakcadood oo witri leh (iyo hal rakaco oo gaar ah) – bacdal cishaa ilaa salaada subax ka hor waad tukan kartaa.
Salaatu duxaa ( salaada barqada ) – ugu yaraan afar rakco.
Soon ugu yaraan sedex maalin bishii ama isniin iyo qamiis kasta.
Sadaqo maalinle ah ama bishii hal jeer tusaale : marka mushaar kuu soo dhaco in aad percentage % (boqolkiiba in) ka mid ah sadaqeysato.
CAAFIMAAD
Hurdo fiican oo waqtigeeda aad seexato ( 8 saacadood wey kugu filan tahay).
Salaada subax ka gadaal oo aadan seexan.
Jimicsi maalinle ah samee ama jiimka aad.
Cuntada Ontime ku cun oo waqti go’an oo aad cunteyso yeelo.
Biya cabida joogto ha kuu ahaato oo biyo badan illaa ugu yaraan 1 liitar cab maalintaada.
Macaanka badan iska ilaali.
Friut ka ku dadaal inta aad heli karto.
Socodka badso (socodka waa jimicsi muhiim ah aadna u caafimaad badan).
Walwalka badan iska xakamee (wardiga badi walwal waa is deyneysaane).
Isticmaalka badan ee tilifoonka iska xakamee, oo waqti badan yuuna kaa cunin.
CILMI
Wax is bar, weliba aasaasiyaadka diiniga iyo wax barashada basic-ga ah marka laga yimaado xirfado is bar ama baro (online-ku waa source muhiim ah)
Luuqadda ingariisiga baro ama isbar si aad ugu shaqeysato, wax ugu barato, dunidana aad ula socoto.
Aqoon guud, cilmi diin, mid maadi, fagaare ka hadal iyo wax kasta oo noole xayi ah kaa dhigi kara ku dadaal, oo juhdi iyo waqtiba geli xoogana saar.
Waa muhiim in aad aasaasiyaadka DIINIGA ah iyo cilmiga asalka ah ee CIBAADADU ku ansaxeyso barato (sida : Arkaanta islaamka, arkaanu iimaanka, arkaanta salaada, waxyaabaha weysada buriya/jabiya, iwm)
CAMAL
Shaqo maalinle ah oo aad bariiskaaga ka soo dhacsato in aad hesho waa lagama maarmaan, hadaad arday tahay xitaa isku day in aad il dhaqaale oo aad wax barashadaada ku kaabto sameysato.
Hal-abuur in aad lahaato tusaale: mid ganacsi ama talent wax gudbin sida in aad dad wax bari karto ama in aad content creator noqon karto (dadka muuqaalo wax u faaiideyo la wadaag adigoo u dhex marin kara baraha bulshada).
Online ka in aad ka shaqeesan karto tusaale: in aad freelancer noqoto iwm.
Business successful ah in aad abuurto oo aad human resource-ga aad ka faaiideysan karto tusaale : waqtiga, xooga iyo maskaxda dad kale in aad ku howl gasho (ganacsi adiga aan kugu koobneyn oo la'aantaada shaqeyn kara).
In aad abuurtid figrad kuu shaqeysa adiga oo aan far dhaqaajin sida application shaqeynaya oo ay dadka ka faaidi karaan si joogto ahna lacag aad uga sameyn karto, iwm.
CARUUS
“TARANKU WAA TIIRKA NOOLASHA
WIXII KA SOO HAROO DHANNA WAA TAYEEN”.
DHAMAAD
Comments
Post a Comment