Posts

Showing posts from 2025
Image
ISMOODSIISKII MAALMEED Hillaaca nuurka waa mid indhahaaga soo jiidanaya; jooga iyo dhirirkana qurux baa u dheer. Dhiig-furnaan midab casaan ah, hanaan wacan socod dabacsan, waa hareeri iyo magool marka ay kaa soo hormuuqato. Waa hubaal, ishu qabatinteeda in aysan ka libirsanayn ilaa muuqeeda qarsoomo. Saacadu waa abaarihii afarta subaxnimo. Waxay igu dhaaftay daqiiqad, xilli ay jidka goynaysay iyada iyo gabadh kale oo deriska ah. Isla maalinkii ay gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde ka soo dagtay ayey ahayd. Imika, saacado qura ayey magaalada joogtaa. Aragtideeda ka dib, waxaan baadhay xogteeda, waxaan ogaaday inay gabadh tahay oo aysan xaas ahayn, safar gaabana qurbaha kaga timid. Waan hubay inay ku soo degtay guri deriska ah oo gabadha ay la socotay ayaan ka gartay. Dareen iyo damac ayaan ku dhameystay maalinkii oo dhan, anigoo kolba sugayay in aan mar kale arko si aan ugu dhuro oraah iga dhex guuxaysay oo aan saacadba in fikirayay tan iyo aragtideedii saakay. Waxaa la gaaray subaxdii ...
Image
                                                         SHANTA CEYN EE NOLASHA DHAMEYSTIRA  (The five Cs of perfect life) CIBAADO Salaadaha 5-ta ah iyo rawaatibka ( 12 -ka rakco ee lala tukado saalaadaha waajib-ka ah sida : labada rakac ee salaada subax ka horeyso, afarta duhurka ka horeyso iyo laba ka gadaaleyso, laba maqrib dabadii la tukado iyo laba cishaha ka dib ah ) oo waqtigooda aad ku ilaaliso/ tukato. Quran aqris joogto ah ( ugu yaraan maalinkii Jus ) ama Juz maalin kasta ah iyo suuratul Baqara oo aad maalinkaaga ku bilaawato.   Digri/ wardi maalinle ah, sida :- Adkaarta subax iyo tan galab (Adkaaru Sabaax wal Masaa). Baaqiyaatu saalixaadka – Tasbiixda(Subxaanallaah), Taxmiidka(Al-xamdullillaah), Tahliisha( لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ ), Takbiirta(Allaahu Akbar). Xowqalada(Laa xowla walaa quwata ila...