Posts

Showing posts from January, 2018

UDUGII IDLAAN WAAYAY

Image
UDUGII IDLAAN WAAYAY Farsamo yaqaan farsamadii ku shaqeysta ayaa maalin waxa uu soo maray xaafad asigoo ku guda jira howlihiisii shaqo; gabar gurigeedii hortiisa taagnayd ayaa shaqo ugu yeertay “Oo kaalay alaab baad ii farsameyni e”. Dabadeed ninkii waxa uu aaday ilinkii ay gabadhu taagneyd waxa ayna bilooowday in ay gudaha sii geliso ninkii marka uu gurigiii soo galay ujeedkiisiina ahaa in uu allab u farsameeyo gabadha ayeey xaajadu is bedeshay waxa uuna ogaaday in danta gabdha ay ka culus tahay alaab sameyn oo ay wax kale damacsantahay. Waxa ay usheegtay in ay nafsadiisa dooneyso oo ay rabto in uu waajibkii kasoo baxo durba waxa ay kutiri “ninkoow soo soco haddii kale deriskaan u qeylo dhaamin, gurigeygana waad ku jirtaa hayaay! “. Labadaa mid dooro ayeey nafis uga dhigtay miskiinkii arsaaqad doonka ahaa . Ninkii aad bey ugu adkaatay arintu waxa uu ahaa nin dhowrsoon oo qalbigiisa alle ka cabsi badan ku jiro waxaa u cuntami weysay in uu sino dabadeed wax kasta imaan kara uu ku...

NAXARIISTA HOOYO

Image
NAXARIISTA HOOYO Sheekadaan waxa ay ku saabsantahay naxariista hooyo, run ahaanshaha qisada muhiim nooma aha lkn dulucda sheekada ayaa na anfaceysa. Waxa ay ahayd xili hore goor ay hooyo iyo wiilkeedii meel ku wada noolaayeen wiilka waxa uu ahaa waraabe dadoow mararka qaar is bedela. Waxaa  caadadiis ahayd in uu habeenkii baxo asigoo qaraab doon ah suuradiisuna tahay waraabe ka dibnna uu soo laabto marka uu dadoobo, waxey saa ahaataba waxaa dhacday habeen habeenada ka mid ahaa mar uu soo gurya noday in uu waayay qoryihii uu is marin jiray. Waa waraabe marka uu qoryihiin ka quustay ayuu duurkiisii isaga laabtay ileen sidaa reerka kuma soo dhex geli karee, hooyadii ayaa tawday marki ay dhowr habeyn arki weyday ayey goaansatay in ay raadiso waxa ayna soo abaartay keynta ay ku ogeeed. Durba waxa ay dultimid isaga oo hurda suuradiisuna waraabe tahay, cajiib waa waalid beer jilcane wey isku kor tuurtay iyada oo ku dul ooyeeysa.  Waaxa kacay wiil-waraabihii asigoo hooyadii ku dul...